Rasaas iyo qaraxyo, ayaa saakay laga maqlayaa gudaha Hotelka Pizza House ee Magaalada Muqdisho, iyadoona ay weli ka dhex dagaalamayan xubno Shabaabka ka tirsan oo weerarkaasi soo qaaday.

Hotelkan la weeraray oo ku yaala ka soo horjeedka Hotel Posh Treats, ayaa waxaa uu weerarkaasi ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, ka dibna dabley hubeysan ayaa gudaha u gashay hotelkaasi, waxaana uu weerarkani bilowday xilli Salaadda Taraawiixda laga tukanayay Magaalada Muqdisho.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan, ayaa tan iyo saqdii dhexe ee xalay hawlgal ka waday hotelkaasi, oo dableyda ka dhex dagaalameysa ay afduub ugu haysato tiro dad ahi.

Sida laga soo xigtay Booliska Somaliya waxaa la soo badbaaday toban ka mid ah dadkaasi, isla-markaana ay ciidamadu wadaan dadaalo lagu soo samata bixinayo dad weli ku jira gacanta dableyda.

Ciidamada Gaashaan, ayaa la sheegay in ay dileen laba ka mid ah raggii soo weeraray Hotelka Pizza, tan iyo markii ay bilaabeen hawlgalka lagu doonayo in weerarkaasi lagu soo