telesom

Magudhe news waxaad ka helaysaa warar ku salaysan xaqiiqada ay ku soo diyaarsheen macalimiin xirfad gaara u leh saxaafada iyo suxufinimadaba

Wasiir Cadaani Oo waxaan jirin ka dhigay madaxdii ka hoosaysay Xilli Idaacadii iyo Tvgii Qaranku ku guuldaraysteen kasbashada Dhagaha Shacabka+XOG CULUS

Wasiir Cadaani Oo waxaan jirin ka dhigay madaxdii ka hoosaysay Xilli Idaacadii iyo Tvgii Qaranku ku guuldaraysteen kasbashada Dhagaha Shacabka+XOG CULUS Maareeyaha Tvga Qaranka iyo agaasimaha Guud. Wasaardda warfaafinta iyo weriyeyaal Caan ah oo qarka usaaran in ay ka yaacaan shaqadii ay qaranka uhayeen kadib markii uu khilaaf xoogan uu in muddaba ah uu soo gala dhexgay Wasiir Cadaani Masuuliyiintan ayaa kudoodaya in wasiirka warfaafintu Candadawlay Siyaasadii warbaahinta qaranku utaagnayd
 
Sidoo kale uu Caqabad ku yahay gudashada Shaqada qaranka Khilaafkan oo muddaba ay qarinayeen madaxda wasaardu ayaa iskii debeda usoo baxay Agaasimaha guud iyo Mareeyaha oo ah rag dhalinyar waxbadanna ixtiraam ka muuqdo ayaa walaac kamuujiyay Sii jiritaanka shaqada hay’ddahani Umadda uqaabilsanyihiin,
 
 
Maalintii shalay oo ku beegnayd Todobadii bisha July Waxaa xafiiska wasiirka warfaafinta isu afdhaafay danta wasaardda Wasiirka iyo Maareeyaha Tvga Qaranka Khadar Maxamed Cakule ,
khilaafkan oo salka ku haya awoodaha kala xadaysan ee masuuliyiinta wasaaradda ayaa xiligan umuuqda mid aan lahayn maamul daadajin Oo go’aankeedu ka go’o Wasiir Cadaani Wasiir Cadaani ayaa hore aawadii wasaaradan looga bedelay Agaasimihii guud ee ilka Case oo xilligan jooga wasaaradda shaqada Halka iyana lacaydhiyay wasiirkuxigeenkiisii hore ee Shukri Xariir iyo Maareeyihii Hore Cabdi Cali Mahdi Tan iyo markii masuuliyiintan cusub madaxweynuhu soo magacaabayna Waxaa muuqata in weli aan waxba isbedelin .
 
Waxaa hoos udhac ku yimi guud ahaan warbaahintiii dawladda waxbarnaamijyo ah kama baxaan marka laga reebo barnaamijkyo live oo taakulaynta abaaraha loogu talogalay Gobolada dalkana Tvga qaranku wax saamayn ah kuma laha Marka laga reebo Barnaamijka Kasmaal ee bisha ramadaan Aqoonyahanka wasaarada ayaa aaminsan xattaa barnaamijyadaas LIVE ka ahi inaanay suurto galeen hadaan madaxtooyadu dabada kariixayn
 
Wasiirkuna madaxtooyada iskaga dhisay Tvga Qaran ayaa maanta ugu shacbiyad liita Warbaahinta soomaalida kadib markiii wasaaradda laga caydhiyay ama buulka laga dhigay Weriyayaashii hal abuurka lahaaa Sidoo kalena waaa warbaahinta qaranka ayaa ku guuldaraysatay in ay shacabka usoo bandhigto waxqabadkii xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Wasiir Cadaani oo ka tirsan Halgamayaashii Xisbiga Kulmiye ayaa haddana xilligan hormuud ka noqday in dawladu ku fashilanto soo bandhigida barnaamijyo horumarineed oo Umadda jiheeya
 
Wasiir Cadaani ayaa go’aan ka gaadhay gobolada dalka in aan xafiisyadooda looga baahnayn wax barnaamijyo kadib markii LA lunsaday kharashyadii kubixilahaa waxsoo saarka gobolada Isagoo wasaarad kastana Weriye ay safarada ukaxaystaan gobolada ku qoray si looga maarmo shaqaalaha gobolada dalka
 
Guud ahaan khilaafkan huursan iyo hoos uguuxa shaqaaxa shaqaalaha wasaaradda ayaa lafilayaa inuu isasoo taro Waxaana wasaaradda hore madaxdeeda iskaga casilay mishiinkii wareejin kiray waxsoosaarka Tvga Qaran
 
Lasoco Qormooyinkale oo taabana musuqmaamuqa wasaaraddas dibu dhaceeda sababta u aIMG_9C8A5D-B5C57E-F214D2-A1E5B4-808218-922815

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *