telesom

Magudhe news waxaad ka helaysaa warar ku salaysan xaqiiqada ay ku soo diyaarsheen macalimiin xirfad gaara u leh saxaafada iyo suxufinimadaba

Koonfur Kuuriya ayaa sheegaya in Kuuriyada Woqooyi ridday gantaal loo malaynayo in uu yahay nooca ballistic-ga ah.

Wararka ka imanaya Koonfur Kuuriya ayaa sheegaya in Kuuriyada Woqooyi ridday gantaal loo malaynayo in uu yahay nooca ballistic-ga ah.

Gantaalka waxa laga ganay gobol u dhaw xeebta galbeeed ee dalkaa, waxaana sidaa ku soo warantay wakaaladda wararka ee Yonhap.

Kuuriyada Woqooyi waxay sanadkan samaysay tijaabooyin isku xig xigay oo ay gantaalo ku gantay, arintaasina waxay sii kordhisay xiisadda u dhaxaysa iyada iyo Maraykanka.

Pyongyan ayaa dardar gelisay barnaamijkeeda nukliyeerka iyo gantaalaha sannadihii u dambeeyey in kasta oo ay soo food saartay cambaarayn caalami ah iyo cuna qabatayn Qaramada midoobay ku soo rogtay.

Hase ahaatee laba gantaal oo la tijaabiyey bishii hore ayaa labadiiba fashilmeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *