telesom

Magudhe news waxaad ka helaysaa warar ku salaysan xaqiiqada ay ku soo diyaarsheen macalimiin xirfad gaara u leh saxaafada iyo suxufinimadaba

Go’doominta Qatar: Dagaalka Gaasta Helium, Yay Dani Ugu Jirtaa?

Go’doominta Qatar: Dagaalka Gaasta Helium, Yay Dani Ugu Jirtaa?
Tan iyo markii ay dalalka Gacanka Carabtu qaateen go’aanka go’doominta u eeg ee ay ku deyriyeen dalka Qatar waxa soo baxayey in dad badani ay is weydiiyaan, sababaha sidaa u weyn ee keenay in tallaabo aan nooceeda looga baran ay dalalkani ka qaataan Qatar iyo su’aal kale oo la xidhiidha in la ogaado cidda colaaddan diblumaasiyadeed ka dheefaysa.
 
 
Si cad looma go’aamin karo sababta kelideed keentay go’aankan waxa se aynu halkan ku eegaynaa mid ka mid ah sababaha.
 
Qatar waa dal dhul ahaan aad u yar, laakiin muhiimaddiisu weyn tahay, waxa uu hodan ku yahay ilaha tamarta oo ay ka mid tahay dalalka seeska u ah suuqa gaasta dabiiciga ah ee dunida, taas oo ay sannad kasta dhoofiso in ka badan 105 Bilyan oo Mitir-Kubuubig, una dhiganta boqolkiiba 30 gaasta dunida looga baahan yahay, weliba waxaa intaas dheer in kharashka Qatar kaga baxa gaastani uu aad u yar yahay, marka la barbardhigo dalalka kale ee gaasta soo saara, taas oo macnaheedu yahay in lacag aad u badan oo faa’ido ah ay ka hesho.
 
Dalalka ay Qatar gaasta ka iibiso waxaa ka mid ah, Shiinaha, Hindiya, Ingiriiska, Beljam, Talyaaniga, Kuuriyada Koonfureed oo iyadu gaasta ay isticmaasho boqolkiiba 37 ka iibsata Qatar iyo Jabbaanka oo boqolkiiba 17.5 ka iibsada.
 
Polland ayaa iyaduna wadda qorshe ay doonayaan in ay si buuxda ugu tiirsanaadaan Gaasta dalka Qatar, in kasta oo kharashka Poland ay gaastani ku gaadhaysaa qaali noqonayo marka loo eego gaasta uga timaadda dalka Ruushka, haddana dhinaca siyaasadda marka la eego ayaa ay u baahan tahay in ay hesho il Ruushka labaysa oo ay gaastan ka hesho.
 
Haddii ay guulasato in Qatar xayiraad buuxda la saaro, waxa ay keeni kartaa in si xad dhaaf ah uu u kaco qiimaha gaasta dabiiciga ahi, iyada oo weliba aanu jirin qorshe degdeg ah oo la isku hallayn karo in qiimahaasi hoos u soo dhaco dalka Qatar la’aantii.
 
Qoraa u dhashay dalka Ruushka oo lagu magacaabo Alexander Frolov ayaa maqaal uu ku qoray wargeys ka soo baxa dalkiisa oo lagu magacaabo Izvestia waxa uu ku gorfeeyey cidda ay la tahay in ay ka faa’idaysanayso loollanka ka dhex qarxay dalalka Carbeed ee hodanka ah, waxa uu xusay dalalka Maraykanka iyo Ustareeliya oo iyagu leh gaas dabiici ah. labadaas dal oo si xooggan u soo geli doonaan suuqyada gaasta adduunka, faa’idooyin badanna ka dheefi doona, gaar ahaan shirkadaha Ustareeliya oo faa’idada u badani iyaga gaadhi doonto.
 
Arrinta labaad ee iyaduna qasab dhigaysa in dunidu ay danayso dalka Qatar; waa gaasta nooceeda loo yaqaanno Helium oo sannad kasta dunidu ka isticmaasho inta u dhexeysa 170 – 190 Milyan oo Mitir-Kiyuubik.
 
Alexander Frolov oo maqaalkan qaybo badan oo ka mid ah kiisa laga soo qaatay waxa uu sheegay in inkasta oo aanu gaasta xaddigaas ahi badnayn haddana aanay taasi hoos u dhigayn. Waa marka koowaad ee gaastani aad ayaa ay qaali u tahay, marka labaadna, waxa ay leedahay muhiimad Istaraatijiyadeed, waayo waxaa loo isticmaalaa arrimaha la xidhiidha hawada sare, tijaabooyinka Fiisigiska, Sawirrada caafimaadka loo isticmaalo ee MRI ga loo yaqaanno, iyo qalab kala duwan oo koronto ku shaqeeya. Dalalka aad looga isticmaalana waxaa ka mid ah Shiinaha, Jabbaan, Indooneesiya iyo Kuuriyada Koonfureed.
 
Dalalka ugu badan ee gaastan Helium ta soo saaraa waa Qatar, Maraykanka, Aljeeriya iyo Ruushka, laakiin dalka Qatar ayaa isagu gaar ahaantiisa soo saaro 40 Milyan oo mitir-Kiyuubik, waana qiyaas ka badan boqolkiiba 20 gaasta adduunka laga isticmaalo oo dhan.
 
Dagaalka Gaasta Helium
 
Waxaa muddooyinkan dambe si yaryar hoos ugu sii dhacayey xaddiga gaasta Helium ee uu Maraykanku suuqyada geliyo, dalka Aljeeriya ayaa isagana wax-soo-saarkiisa gaastu aanu ahayn mid ku sugan xaddi lagu xisaabtami karo, halka dalka Ruushka oo isaguna gaasta Helium ee uu soo saaro, uu isaga uun dib u isticmaala (Oo aan iibgeyn), in kasta oo uu qorshaynayo in uu sannadaha soo socda kordhiyo wax-soo-saarkiisa gaasta. Waxaa hadhaya dalka Qatar oo isagu soo saara gaastaas aadka u badan, isla markaasna qorshaynaya in uu sii kordhiyo wax-soo-saarkiisa gaasta Helium, iyada oo fursadaha aynu soo sheegnay ee jiraana siinayaan in uu suuq badan xidho, waxa aanay taas ka dhigaysaa dal muhiimad weyn ku leh dhaqaalaha adduunka, suuqa gaasta Helium ta loo yaqaanana isaga loo dabafadhiisto.
 
Haddii ay dhacdo in Qatar laga saaro suuqa gaasta Helium waxa ay saamayn taban ku yeelanaysaa wax-soo-saarka warshadaha Eeshiya iyo dalalka badweynta deggen, oo ah suuqa ugu badan ee Qatar ay gaasteeda geyso, waxa aanu hoos u dhacaasi fursad siin doonaa Maraykanka oo muddooyinkan dambe cidhiidhi badan ka dareemaya suuqyada wax-soo-saarka dunida.
 
Dhinaca kalana dalka Iiraan qudhiisa ayaa ka faa’idaysan kara dib-u-dhac ku yimaadda dalka Qatar, maadaama oo uu qudhiisu leeyahay deegaan dhinaca Qatar xiga oo laga soo saari karo gaasta Helium-ta.
 
Shidaalka marka aynu eegnana dalka Qatar waxa uu maalin kasta soo saaraa inta u dhexeysa 1.8 illaa 1.9 Milyan oo Foosto oo shidaal ah, xaddigaas, taas oo haddii uu in yar hoos u dhaco wax-soo-saarka Qatar ay qasab noqon doonto in shidaalku uu si weyn uga kaco suuqyada dunida.
 
Xaaladdu ma sii xumaan kartaa
 
Shaki kuma jiro in xidhiidhka diblumaasiyadeed oo la jaraa ay culays badan ku keenayso Qatar, waxa aanay ka faquuqaysaa inta badan ee dalalka Carabta iyo muslimka oo laga yaabo in Sucuudiga iyo Imaaraadku saamayn badan ku leeyihiin, laakiin waxaa hubaal ah in xidhiidhada ganacsi iyo dhaqaale ee ay dunida carabta ka baxsani uu wax badan ka caawinayo in aanay Qatar u curyaamin faquuqa, dhaawacuna aanu le’ekaan inta ay filayeen dalalka hadda xayiraadda saaray, iyada oo ay durba muuqato in sidii ay doonayeen aanu go’aankooda go’doomintu taageero uga heli doonin dalalka reer galbeedka oo haddii ay dhacdo curyaamin lahayd Qatar.
 
Tusaale ahaan Maraykanka oo loo aanaynayo in xaaladda uu xubin curiye ah ka ahaa ayaa durba u muuqda in uu dib uga gurtay go’aankii qallafsanaa, waxa aanay sababtu noqon kartaa cabsi uu u qabo saldhiggiisa Qatar oo uu ka ilaalinayo Ruushka oo baahi weyn u qaba in uu Khaliijka meel ka fadhiisto. In Maraykanku aanu Khaliijka ku wada raaci doonin go’aankoodana waxaa marag cad u ah hadalka uu Madaxweyne Trump labada jeer talefanka kula soo xidhiidhay Sheekha Qatar haysta, isaga oo ka codsanaya in uu arrintan dhex dhexaadin ka galo iyo go’aanka wasaaradda gaashaandhigga Maraykanku ku sheegtay in aanay waxba iska beddelin heshiis ay 72 diyaaradaha dagaalka ee F-15 kaga iibinayso dalka Qatar. Waxa kale oo aan Maraykanka maskaxdiisa ka maqnaan karin in go’doominta Qatar ay Iiraan siin doonto fursad hor leh oo ay liiska saaxiibbadeeda tirada yar ee gobalka ku biirsan karto Qatar.
 
Dalalka iyaguna laga filan karo in aanay Qatar ka durkin waxaa ka mid ah Shiinaha oo dadka qaar gaadhsiinayaan suurtogalnimada in China xitaa milateri ahaan garab istaagto Qatar, iyo Turkiga oo isagu goor horeba qaaday tallaabooyin uu ku garab istaagayo Qatar.
 
Marka arrintan la soo ururiyana waxa ay u muuqataa in deyrinta Qatar aanay keeni doonin midhihii laga rabay ee ahaa in qiimaha gaasta Helium kor uga kaco suuqyada fursadda ugu weyna Maraykanku ka heli lahaa.
 
 
 
Source:Geeska

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *