telesom

Magudhe news waxaad ka helaysaa warar ku salaysan xaqiiqada ay ku soo diyaarsheen macalimiin xirfad gaara u leh saxaafada iyo suxufinimadaba

Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhimatay, 40 kalena way ku dhaawacantay laba qarax oo ka dhacay suuq mashquul badan oo ku yaalla Baqdaad

Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhimatay, 40 kalena way ku dhaawacantay laba qarax oo ka dhacay suuq mashquul badan oo ku yaalla Baqdaad.

Saraakiisha dowladda Ciraaq ayaa sheegaya in labada qarax ay ka dheceen bartamaha suuqa.

Suuqa la qarxiyay waxaa lagu iibiyaa qalabka gawaarida, sida Booliska ay u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.

 

Ma jirto koox sheegatay masuuliyadda weerarka oo ku bilowday qarax is miidaamin ahaa.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Ciraaq ayaa laga soo xigtay in qof uu is qarxiyay, ka dibna dadkii u soo gurmaday dhaawaca lagu qarxiyay gaari.

Caasimadda dalka Ciraaq waxaa dhowaanahan ku soo badanayay qaraxyada ka dhaco meelaha dadka ay ku badan yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *