telesom

Magudhe news waxaad ka helaysaa warar ku salaysan xaqiiqada ay ku soo diyaarsheen macalimiin xirfad gaara u leh saxaafada iyo suxufinimadaba

Qarax ayaa caawa xiliga afurka ka dib waxaa uu ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

Qarax ayaa caawa xiliga afurka ka dib waxaa uu ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxan uu ahaa mid xoogan ayaa daryankiisa laga maqlay meelo badan oo ka tirsan magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan oo ka dhacay agagaarka hotelka Karmel oo ku yaalla wadada isku xirta Isbitaalada Difgeer iyo Banaadir uu ahaa mid gaarigiisa loogu xiray sarkaal ka tirsan milateriga Somalia oo aan magaciisa la ogaanin.

Sarkaalkan oo la socday markii uu gaarigiisu qarxayey ayey wararku sheegayaan inuu ka badbaaday weerarkaas, waxaana ku dhawaacmay inta la og yahay haweeney goobta ka dhoweyd, iyadoo gaariga sarkaalkan uu burbur saoo gaaray.

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa goobta xiray, iyadoo sidoo kale gaadiidka gurmadka deg deg ah ay halkaas gaareen inkastoo khasaaraha qaraxan ka dhashay uu aad u koobnaa.

Qaraxan ayaa ku soo aadaya xili ciidamada xasilinta amniga ay howlgalo culus ka wadaan wadooyinka magaalada Muqdisho kuwasoo lagu xaqiijiyo amaanka caasimada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *