telesom

Magudhe news waxaad ka helaysaa warar ku salaysan xaqiiqada ay ku soo diyaarsheen macalimiin xirfad gaara u leh saxaafada iyo suxufinimadaba

Maxamed Bello Abubakar ayaa dhintay waxana u gursaday 86 xaas wuxu dhalay caruur

Ninka dadka wacdiyi jiray oo Muslim ah oo guursaday ugu yaraan 86 dumar ah ayaa geeriyooday isaga oo 93 jir ah.

Maxamed Bello Abubakar ayaa ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaalla bartamaha Nigeria, ka dib markii uu ku dhacay xannuun aan la shaacinin.

Dad badaan ayaa ka soo qaybgaley aaskiisa oo Axaddii dhacay.

Wargeyska Daily Trust newspaper ayaa ku warramay in 86 haween ah ay ahaayeen tirada xaasaska ee uu guursaday sanadku markuu
ahaa2008dii markaas oo w

arbaahin badan ay wax ka qortay – laakiin ay tirada xaasaska uu guursaday ay hadda Maraysay 130.

Wargeysku wuxuu sheegay in qaar ka mid ah xaasaskiisu ay hadda uur leeyihiin.

Caruurta ninkan ayaa 170 ahaa sida  laga  daabacay warbixin ay samaysay sanadkii 2008dii, laakiin wargayskan ayaa sheegay in uu hadda adduunka kaga tagay 203 ruux oo uu dhalay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *