telesom

Magudhe news waxaad ka helaysaa warar ku salaysan xaqiiqada ay ku soo diyaarsheen macalimiin xirfad gaara u leh saxaafada iyo suxufinimadaba

Iran oo Qatar cunto u daabushay

Iran ayaa dalka Qatar u dirtay diyaarado sida cunno, ka dib markii xiisadda ka taagan Khaliijka ay saamaysay wax soo dhoofsashada dalkaasi yar ee ay isku kacsan yihiin waddamada jaarka la ah.

Shirkadda diyaaradaha qaran ee Iran ayaa sheegtay in shan diyaaradood oo sida cunno iyo khudaar ay u duuleen dalka Qatar.

Ilaa iyo hadda lama sheegin in cunnadaasi ay tahay gargaar, ama in ay iibsatay Qatar.

 

Sacuudi Carabiya, Isutagga Imaaraadka Carabta iyo dalal kale oo gobolkaasi ku yaalla ayaa jaray xiriirka dhulka, badda iyo hawada ee ay la leeyihiin Qatar, waxaana taasi ka dhalatay cabsi ah in dalkaasi ay soo food saarto cunno yari.

Dalalka deriska la ah Qatar ayaa xannibaadaasi saaray, ayagoo ku eedaynaya in ay taageerto ururada jihaadiga ah, ayna xiriir dhaw la leedahay Iran.

Xukuumadda Dooxa ayaa beenisay eedeymahaasi loo jeediyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *