telesom

Magudhe news waxaad ka helaysaa warar ku salaysan xaqiiqada ay ku soo diyaarsheen macalimiin xirfad gaara u leh saxaafada iyo suxufinimadaba

Daawo Saad uga ilaalin kartaa Qalbigaaga SHaydaanka ama uga difaaci kartaa

Maalintii uu Alle abuuray Aadan, wixii ugu horeeyay ee uu dhibaato kala kulmo waxay aheyd kolkii uu raacay talladii shaydaanka ku siiyay in uu cuno geedkii Alle ka xarimay, sidaasi oo kale waxaa uu shaydaan is hortaagay in uu u sujuudo Aadanaha , halka malaa’igtana ay u sujuudeen sujuud aanan aheyn mida Alle lagu caabuddoo.

Hadaba shaydaan oo ah xaasidka ugu way nee bini’aadamka wuxuu Alle wayne ugu digay addoomadiis in ay raacaan dariiqiisa xun ee uu dadka ku fasahaadiyo.

Dhanka kale waxaa jira dad aanan kala fahmin waxa uu Alle ula jeedo Laabta iyo qalbiga, run ahaantii laabta waa feedhaha qalbigana waa wadnaha, labbadana waa labba qeyb oo kale duwan, shaydaanka wuxuu inta baddan dadka ka waswaasiyaa laabaha, awood uma lahan in uu soo gallo qalbiga ilaa aad adiga u fasaxdo mooyee.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *