telesom

Magudhe news waxaad ka helaysaa warar ku salaysan xaqiiqada ay ku soo diyaarsheen macalimiin xirfad gaara u leh saxaafada iyo suxufinimadaba

Booliska dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya inay baarayaan ganacsi xaraan ah oo ku saabsan haragga dameeraha, ka dib markii ay qabteen 5,000 oo maqaar.

Booliska dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya inay baarayaan ganacsi xaraan ah oo ku saabsan haragga dameeraha, ka dib markii ay qabteen 5,000 oo maqaar.

Howlgal ay booliska ka sameeyeen duleedka magaalada Johannesburg ayaa lagu soo qabtay haraggaas.

Booliska waxay ka shakinayaan in dameero si sharcidaro ah loo qalay laga saaray maqaarkan, kaas oo loo waday dalka Shiinaha.

In haragga intaa la eg la soo qabto ayey booliska ku sheegeen inay dhabar jab weyn ku tahay kooxaha ka shaqeeya kotorbaanka.

Ganacsiga haragga dameeraha ayaa laga faa’iidaa malaayiin dollar taas oo sabab u ah, Shiinaha oo looga isticmaalo daawo ahaan.

Dadka qaar ee Shiinaha ayaa aaminsan in haragga uu daawo u yahay dumarka ay caadada ku xiranto.

Sidoo kale waxay u adeegsadaan daaweynta hurdo la’aanta iyo wareegga dhiigga.

Howlgalka booliska ay ku soo qabteen haragga oo ka dhacay Benoni ayaa ka dhashay ka dib haweeney ka cabatay urka hilib qurmay.

Booliska qofna umeysan soo xirin arrintaas balse waxay sheegayaan inay hayaan macluumaad ku saabsan kooxda laga shakisan yahay inay gowreceen oo dhuufineysay haragga.

 

Ciidamada amniga ee South Afrika waxay sheegayaan in xatooyada iyo qalidda dameeraha ay dhowaanahan ku soo badanayeen dalkaas tan iyo 2015-tii.

Sanadkii tagay, dalka Burkina Faso ayaa mamnuucay dhoofinta haragga dameeraha.

Dhanka Niger, dowladda waxay sheegtay in sare u kaca ka ganacsiga sharcidarada ah ee dameeraha ee loo qaado Aasiya ay halis gelisay tirada dameeraha ee dalkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *