telesom

Magudhe news waxaad ka helaysaa warar ku salaysan xaqiiqada ay ku soo diyaarsheen macalimiin xirfad gaara u leh saxaafada iyo suxufinimadaba

70 jir ka soo jeeda gobolka Kansas ee dalka Mareykanka ayaa Talaadadii qirtay in uu dhac u gaystey Bangi isagoo taas uga gol lahaa inuu uga baxsado xaaskiisa.

Lawrence Ripple ayaa dhac ka gaystey Bangiga Kansas City September-tii la soo dhaafay isla markaana wuxuu goobta nasiinada ku sugay booliiska ilaa ay soo gaareen xarunta Bangiga si ay u xiraan.

Ninka ayaa u sheegay dambi-baarayaasha in uu ka jeclaan lahaa in uu aado xabsi intii uu ku noolan lahaa gurigiisa waxaana hadda uu mutaysan doonaa xabsi illaa 20 sano ah.

Xaaskiisa ayaa joogtay Maxkamadda balse waxay ka gaabsatay inay wax ka tiraahdo arrintan sida ay warisay jariiradda Kansas City Star.

Mr Ripple ayaa markii uu bangiga tagay wuxuu u dhiibay qoraal uu ku dhiibay mid ka mid ah xisaabiyayaasha Bangiga, isagoo qoraalkiisa ku xusay in uu wato qori uuna doonayo lacag, sida lagu xusay qoraalada maxkamadda.

NInka ayaa loo dhiibay lacag dhan $3,000, laakiin meel dheer ma aadin oo wuxuu istaagay qaybta fadhiga Bangiga, wuxuuna u sheegay sarkaalka amaanka in uu isagu yahay “Ninka uu raadinayey”.

Warbixinta booliska ayaa lagu xusay in Mr Ripple muran uu kala dhaxeeyay xaaskiisa maalinkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *