telesom

Magudhe news waxaad ka helaysaa warar ku salaysan xaqiiqada ay ku soo diyaarsheen macalimiin xirfad gaara u leh saxaafada iyo suxufinimadaba

Faransiiska oo quus ka taagan Taajir u hiiliyay Dumarka Xijaabka laga mabnuucay (Daawo Sawirada)

Rachid Nekkaz waa Nin Milyaneer Taajir ah oo u dhashay dalka Faransiiska balse asal ahaan ka soo jeeda wadanka Aljeeriya , wuxuuna ninkaan quus iyo jahwareer ku riday dowlada Faransiiska .

Maalqabeenka Rachid Nekkaz ayaa bilaabay olale looga soo hor jeedo mabnuucida Xijaabka ama Niqaabka wuxuuna Dumarkii asturnaa u diray inay ku yaacaan goobaha laga mabnuucay uuna bixin doono qarashka lagu soo ganaaxo.

Rachid Nekkaz ayaa olalihiisa ugu magac daray ” Xirta Niqaabka oo la dhex taga goob kaste ” Ninkaan Maalqabeenka ah ayaa dhamaan qarashkii ganaaxa ka bixiyay dumarkii la soo ganaaxay , waxaana qarashka ganaax kaste lagu sheegay 150 Euro sida uu qabo sharciga dalka Faransiiska .









Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *