telesom

Category Archives: Wararka

Boggan ayaad kala soconaysaa wararka ugu doorka roon ee dhacay 7 dobaadkii tagay

Iska hor imaadka ayaa bilawday markii kooxda Al Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadey ciidamo fadhiisin ku lahaa xerada Daynuunaay.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in iska hor imaad hubaysani uu ka dhacay xerada Ciidanka Daynuunay oo ku taalla duleedka bari ee magaalada Baydhabo.

Iska hor imaadka ayaa bilawday markii kooxda Al Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadey ciidamo fadhiisin ku lahaa xerada Daynuunaay.

Wararka hordhaca ah ee weerarkaas ka soo baxaya ayaa sheegaya inay halkaas ku geeriyoodeen illaa shan qof oo isugu jira dhinacyadii dagaalamayey iyo hal qof oo rayid ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in kooxdii weerarka soo qaadday ay xerada ku sugnayd muddo kooban, hase ahaatee ay markii dambe isaga baxday.

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in Liiska Argagixisada laga saaray Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ka mid ahaa saraakiisha ugu sareysa Al-shabaab.

Jimco, June, 23, 2017

Abuu Mansoor ayaa ahaa ku-xigeenkii hogaamiyahii hore ee Al-shabaab Axmed Cabdi Godane, isaga oo dhinaca kale mar soo noqday afhayeenkii Al-Shabaab.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa u xaqiijisay VOA in Abuu Mansuur laga saaray liiska Argagixisada Caalamiga, waxaana madaxiisa dul saarnaa 5 milyan oo dollar.

Mukhtaar Rooboow ayaa sanadihii u dambeeyay la hadal hayay inuu wada hadalo hoose kula jiro dowladda Soomaaliya, isla markaana ay xurguf soo kala dhex gashay Hoggaanka Al-Shabaab.

Abuu Mansuur ayaa la sheegay in sanadihii ugu danbeeyayba uu dhuumaaleysi ku jiray kaddib markii ay isku dhaceen Hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Abuu Zubeyr, taasoo keentay xitaa la khaarajiyo rag isku aragti ahaayeen Mukhtaar Rooboow.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan liiska Argagixisada ee laga saaray Abuu Mansuur.

Sidoo kalana wax war ah lagama hayo Mukhtaar Rooboow oo sanadihii ugu danbeeyay aan warkiisa laga maqlay warbaahinta.

Hantiilaha Facebook oo Somali la Afuray

Milkiilaha Facebook, Mark Zuckerberg ayaa xalay casho afur ah magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota kula yeeshay qaar ka mid ah Soomaalida halkaas ku nool, sida uu ku sheegay farriin uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Zuckerberg, ayaa u mahad-celiyey Soomaalidii afurka ku casuumtay, wuxuuna sheegay inuu aad ula dhacay kartida iyo dhiiranaanta ay ku doonayaan in meel aysan aqoon ay dalkooda cusub uga dhigtaan.

Waxa uu sheegay in qofka qaxootiga ah uusan lahayn ikhtiyaar uu ku doorto dalka uu ku noolaanayo.

Waxa uu sheegau inuu nin ka mid ah Soomaalida oo 26 sano ku nool xero qaxooti weydiiyey, in hadda uu dareemayo in Mareykanka uu yahay dalkiisa iyo in kale, kadibna uu ugu jawaabay “Dalkaaga waa kan aad ku dareento xorriyad aad ku sameyn karto wixii aad doonto. Haa, kani waxaan u dareemayaa dalkeyga”.

Mark Zuckerberg ayaa sheegay in hadallada noocaas oo kale ah ay yihiin kuwo sharaf u ah Mareykanka oo ah dal qiimeeyaa xorriyadda qofka.

Trump oo beeniyey inuu duubay cod

Madaxweyne Donald Trump ayaa beeniyey inuu duubay wadahadaladii dhexmaray isaga iyo agaasimihii hore ee FBI-da ee uu shaqada ka eryey inkastoo uu hore u muujiyey Trump inuu duubay wadahadalada.

Bilooyin kadib caqabado iyo cadaadis ku aadan in cajaladaha lasoo gudbiyo ayaa Trump fariin u baraha bulshada ee twitterka uu ku baahiyay wuxuu ku sheegay inuusan ogeyn in duubitaan caynkaasi ah uu jiro,Laakinse aanu isagu waxba duubin.

Qoraalkii ugu horeeyay ee u Madaxweynaha ku baahiyey baraha bulshada ay ku xiriiraan ee Twitter-ka ayaa noqotay mid muran badan dhalisay kadib markii shaqada u ka eryey hogaamiyihii hore ee FBI-da. Arrimahaas oo lala xiriinayo eedaha ku aadan faragelinta Ruushka ee doorashada Maraykanka

DAAWO ARIN YAAB LEH: Sargaal Itoobiyaan ah oo furay Kalfadhigii Barlamaanka P/Land

 Shirkii 39-aad ee barlamaanka P/Land ayaa khamiistii shalay laga furay magaaladda Garowe ee xarunta maamulkaas, laakiin furitaanka kalfadhigaas ayaa waxa si lama filaan ah uga qeyb galay Masuul ka socday dowladda Itoobiya.

Inkastoo magaaladda Garoowe ay joogaan masuuliyiin kale oo ajaanib ah hadana dadka ayaa la yaabay sababta keentay in Sargaalkaas Itoobiyaanka ah lagu casuumo inuu furo kalfadhiga barlamaanka maamulka P/Land.

Itoobiya oo ah dal daris ah laakiin la wada ogyahay ineysan raali ka aheyn nabadda Soomaaliya ayaa wali siyaasad buuxda ku leh dalka gaar ahaan maamuladda.

“Waxaan ku faraxsanahay inuu furmo kalfadhiga Barlamaanka P/Land oo ah maamul aynu saaxiib nahay”ayuu yiri Sargaalkaas oo fadhiya xafiis ay qunsuliyad ahaan Itoobiya ugu leedahay Garoowe.

DAAWO: Nin Aan la arag Wajiga ka dhibaateeya Gabdhaha Dhalinyarada ah ee degan Qeybo kamid ah Muqdisho

ARIN LAYAAB LEH ayaa lagu arkay xaafada Siisi ee degmada Kaaraan gobolka Banaadir, kadib marii uu soo baxay Nin ugaarsada gabdhaha da’da yar kadibna dhaawac ugeysta.

Ninkan ayaa la sheegay inuu gabdhaha gadaal uga imaanayo kadibna uu cajibaabka ka taabanayo marka ay soo jeesatana ku dhufanayo feer, dhagxaan iyo waxyaabo kale oo badali kara jirka qofka.

Waa ku adag tahay gabdhuhu iney arkaan wajiga ninkan dhibaatada ugeysanaya maadaama uu wajiga ka abaarayo.

Gabdho badan oo dhibane u ah Ninkaas ayaa sheegay in ilaa haatan ay aqoonsan la’yihiin sababta ka dambeysa in ninkaas uu bartilmaameed ka dhigto iyaga.

War Deg Deg Madaxweynaha Somaliland Md Axmed silaanyo Oo iskushaandheyn iyo isku badal Ku Sameeyay Agaasimayaasha Dalk

War Deg Deg Madaxweynaha Somaliland Md Axmed silaanyo Oo iskushaandheyn iyo isku badal Ku Sameeyay Agaasimayaasha Dalka
 
 
War Deg Deg Madaxweynaha Somaliland Md Axmed silaanyo Oo iskushaandheyn iyo isku badal Ku Sameeyay Agaasimayaasha Dalka
WAR-SAXAAFADEED: 15/06/2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu caawa digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-4891/062017 uu ku magacaabay la-taliye madaxweyne, isagoo isku bedelna ku sameeyey qaar ka mid ah agaasimeyaasha guud ee wasaaraddaha dalka.
 
Madaxweynuhu: Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
 
 
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay La-taliyeyaasha Madaxweynuhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
 
Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabidda jagada La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gaashaandhigga;
 
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
 
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
 
Wuxuu go’aansaday :In Mudane, Maxamed Aadan Saqadhi Maxamuud (Dabagale), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gaashaandhigga (Bedel hore hoggaanka hawlgelinta Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland).
Isku bedelka Agaasimeyaasha Guud
 
Madaxweynuhu: Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
 
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
 
Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabidda jagooyinka Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraddaha Waxbarashada & Tacliinta Sare, Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta iyo Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta
Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;
 
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
 
Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan;
 
Wuxuu go’aansaday 1. In Mudane, Axmed Abokor Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland (Bedel hore Warfaafinta iyo wacyigelinta).
 
2. In Mudane, Cabdi Cali Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Jamhuuriyadda Somaliland (Bedel hore Waxbarashada iyo Tacliinta Sare).
 
3. In Mudane, Hassan Cumar Hoorri, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland (Bedel hore Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta).
 
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cigse(Deyr)
Afhayeenka Madaxtooyada JSL,

DAAWO: RW KHEYRE OO HANTAY QALBIGA SOOMAALIYA, KHUDBAD UU KAGA HADLAY WADAJIRKA UMADDA SOOMAALIYEED

a’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Haweenka iyo Dhalinyarada ku nool magaalada Muqdisho waxa uu u jeediyay Khudad qiiro laheyd taasoo uu kaga hadlay xaalada dalka uu ku sugan yahay, kadib kulan uu la qaatay.

Khudbada Ra’iisul wasaaraha oo taariikhi noqotay ayaa waxa uu kaga hadlay dhaqaalaha wadanka oo uu sheegay inaan la kobcin karin hadaan amniga wax laga qaban iyo hadii aan shacabka iyo Dowladda is garab istaagin.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sheegay in ay hada na hortaagan tahay fursadii ugu weyneyd ee umadda Soomaaliyeed, sanado badan marka laga tago.

Xasan Cali Kahyre Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay la shaqeeyaan Dowladda Federaalka, si loo gaaro hormarada hada Soomaaliya ay ku hamineyso.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaalo kor loogu qaadayo dhaqaalaha dalka, si fursado shaqo abuur ah ay u helaan Dhalinyarada Soomaaliyeed ee nafsadooda ku haligaya badaha.

WARARKII UGU DAMBEEYAY EE HOWLGALKII HOTEEL POSH & CIIDAMADA GAASHAAN OO AWOOD USHEEGTAY SHABAAB

Rasaas iyo qaraxyo, ayaa saakay laga maqlayaa gudaha Hotelka Pizza House ee Magaalada Muqdisho, iyadoona ay weli ka dhex dagaalamayan xubno Shabaabka ka tirsan oo weerarkaasi soo qaaday.

Hotelkan la weeraray oo ku yaala ka soo horjeedka Hotel Posh Treats, ayaa waxaa uu weerarkaasi ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, ka dibna dabley hubeysan ayaa gudaha u gashay hotelkaasi, waxaana uu weerarkani bilowday xilli Salaadda Taraawiixda laga tukanayay Magaalada Muqdisho.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan, ayaa tan iyo saqdii dhexe ee xalay hawlgal ka waday hotelkaasi, oo dableyda ka dhex dagaalameysa ay afduub ugu haysato tiro dad ahi.

Sida laga soo xigtay Booliska Somaliya waxaa la soo badbaaday toban ka mid ah dadkaasi, isla-markaana ay ciidamadu wadaan dadaalo lagu soo samata bixinayo dad weli ku jira gacanta dableyda.

Ciidamada Gaashaan, ayaa la sheegay in ay dileen laba ka mid ah raggii soo weeraray Hotelka Pizza, tan iyo markii ay bilaabeen hawlgalka lagu doonayo in weerarkaasi lagu soo

DAAWO: QATAR OO HESHAY TAAGEERADA UGU BADAN EE WADAMADA AWOODA LEH, SACUUDIGA OO KU DHEGAN FARMAAJO &…

Khilaafka Dalalka Carabta ayaa cirka ushareeyay iyadoo dowladda Qatar ay heleyso awood balaran oo dhanka taageerada ah.

Dalalka Turkey, Iiraan iyo Ruushka ayaa awood siiyay Qatar, halka Sacuudiga uu si lama filaan ah usheegay in Khilaafka kala dhaxeeya dalkaas darted aysan raali uga aheyn in baahi ay udhintaan ayna diyaar uyihiin iney mucaawino gaarsiiyaan hadii loo baahdo.

Mareykanka ayaa War lama filaan ah soo saaray halka Qatar ay awood usheegatay dalalka Jabuuti iyo Eriteria kuwaas oo ay ciidamadeedii kala baxday.

Imaaraadka ayaa dhankiisa sheegay in arinta khilaafka ah aysan horseedi karin iney dalalka Carabta ay duulaan dagaal ku qaadaan Qatar, laakiin maamulka Doha oo arintaas ka jawaabaya ayaa heegan celiyay ciidamadiisa.

Soomaaliya ayaa wali mowqif wanaagsan ka taagan khilaafkan, laakiin dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa ku cadaadinaya iney xariirka ujarto Dalka Qatar hadii kale cadaadis dowladeed iyo mid shacab la saari doono.

Si kastaba, waxaa jira warar sheegaya iney jiraan hormaro laga sameeyay dadaaladda lagu xalinayo khilaafka dalalkan ee hormuudka uu ka yahay Madaxweynaha Erdogan kaas oo wafdi udiray Qatar sidoo kalana aadi doona Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Magudhe news waxaad ka helaysaa warar ku salaysan xaqiiqada ay ku soo diyaarsheen macalimiin xirfad gaara u leh saxaafada iyo suxufinimadaba