Category Archives: Oraaha dad waynaha


Boggan waxaad ka helaysaa ama ku soo qorikartaan fikiro aad u xiiso badan oo dad badan oo ka mida akhristayaashayadu ku soo bandhigan,

NB: Muqaalada boggani ma ahaan qaar ay shabakada wararka ee magudhenews ay ka masuul tahay Qora ayeey gaar u tahay wixii ka imaada.

Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay Nukliyeer dhaliyey dhulgariir

Wakaaladda wararka Yonhap ee Kuuriyada Koofureed oo soo xiganaysa ilo aan la sheegin waxay ku warramaysaa in arrintaas ay u badan tahay inay ahayd tijaabo nukliyeer.

Hore ayaa waxaa u jiray dhul gariirro dad-samee ah oo xajmigaas leh, kuwaasoo ka dhacay isla goobta tijaabada laga sameeyey, laakinse wax xaqiijin ah lagama hayo Kuuriyada Waqooyi.

Sawirro dayax-gacmeed lagu qaaday iyo xog sirdoon ayaa muujinaya in dhaqdhaqaaq uu ka jiray goobta nukliyeerka ee Punggye-ri, kaasoo la leeyahay waa tijaabadii 5aad. Jimcaha waxay sidoo kale tahay maalinta qarannimada ee dalkaas, ayadoo loo dabaal dagayo markii uu billowday hogaanka rajiimka. Kuuriyada Waqooyi waxay munaasabadahan oo kale u adeegsataa inay ku soo bandhigto awooddeeda ciidan.

Hay’adda daraasaadka lakabyada dhulka ee Maraykanka ee la socota dhaqdhaqaaqyada lakabyada dhulku waxay sheegaysaa in gariirka waqooyiga bari ee dalkaas laga dareemay uu qarax ka dhashay, laakin ma aysan sheegin nooca qaraxa. Maraykanku wuxuu sheegay inuu isha ku hayn doono waxa ay noqon doonto sababta qaraxa.

Ra’iisul wasaaraha Japan Shinzo Abe wuxuu shir jaraa’id ka sheegay in haddii la xaqiijiyo in tijaabo nukliyeer la sameeyey ay Japan markaa cabasho u gudbin doonto Pyongyang.

Kuuriyada waqooyi Qaramada Midoobay ayaa ka mamnuucday inay samayso wax tijaabo ah oo ku saabsan nukliyeer ama tiknoloojiyada gantaallada, laakin bilihii dhowaa waxay wadday inay tijaabiso gantaallada ballistigga, ayadoo hanjabaadana u jeedinaysay waddamada aysan isku fiicnayn. Tijaabadii ugu dambeysay ee ay samaysay January ayaa la aamisan yahay inay ahayd bam hydrogen ah, hase yeeshee tijaabada iminkana waxaa loo arkaa inay tahay tii ugu xoogga badnayd ee ay abid sameeyeen.

Diyaarad ay leedahay shirkada Diyaaradaha Emirates , ayaa ku bur burtay kuna gubatay garoonka Diyaaradaha magaalada Dubai,

Diyaarad ay leedahay shirkada Diyaaradaha Emirates , ayaa ku bur burtay kuna gubatay garoonka Diyaaradaha magaalada Dubai, wax yar un kadib markii ay diyaaradaasi ay garoonka soo cago dhigatay.

Diyaaradan gubatay ayaa kasoo duushay magaalada Trivandrum ee dalka Hindiya, waxa ayna kusoo dageysay magaalada Dubai, waxaana dab xoogan uu ka kacay diyaarada markii ay soo caga dhigatay dhabah ay Diyaaradu ku ordaan.

Waxaa dhamaan la bad baadiyay 282 -qof oo isugu jiary rakaabkii diyaarada saarnaa iyo shaqaalaha diyaarada, xaalada ayaana hada ah mid degan, waxaana lagu guulestay in la damiyo danka ka kacay diyaarada .

Si dhab ah looma oga waxa dhaliyay shilkan sababay in uu diyaarada dab qabsado ayna bur burto, waxaama socda baaritanao arintaasi lagu ogaanayo,





Laba Hablood ooSoomaaliyeed oo la la’yahay mudo oo la radinayo

Nadra iyo ZahraMagaalada Belfast ee Waqooyiga Ireland waxaa in muddo ah la la’ yahay labo gabdhood oo Soomaali ah.

Gabdhahaasi waxaa xogtooda raadinaya hadda barnaamij ka baxa Telefishinka BBC Northern Ireland oo la yiraahdo Spotlight.

Gabdhahaasi oo la kala yiraahdo Nadra Ali oo 16 jir ah iyo Zhara Abdi oo 14 ama 15 jir ah waxaa ay yimaadeen Belfast iyaga oo aanay cidina la socon oo magangalyo doon ah.

Nadra waxaa cid ugu dambeysay 14kii January 2012 iyada oo joogta Belfast, waxayna markaa xirneyd xijaab Huruud iyo Madow ah iyo koodh madow iyo madax-gashi dhogor leh.

Zahra waxaa cid ugu dambeysay 20kii June 2005 iyada oo joogta Belfast. Higaadda magaceeda ugu dambeeya wuxuu noqon karaa ‘Ibdi’ iminka waa 25 jir.

Haddaad ogtahay meesha Nadra ama Zahra joogaan ama aad heysid wax war ah oo iyaga ku saabsan, fadlan la soo xiriir weriye TV Peter Coulter oo aad ka heleysid BBC Spotlight telefonkuna waa 07518004078 ama emailka peter.coulter@bbc.co.uk

Waxaa kooxdan BBC-da ka tirsan isna gacan ka siinayay baadi-goobka gabdhahaasi, Suleymaan Maxamed Cabdullaahi oo ah Isu duwaha Horn of Africa People’s Aid ee Northern Ireland, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa isaga iyo Peter oo ka tirsan BBC waxa uu weydiiyay inay faahfaahin ka bixiyaan gabdhahan la la’ yahay.

Kooxda Leicester City ayaa la gudoonsiiyay koobka horyaalka Ingiriiska, ka dib markii ay dhammaatay ciyaartii garoonkeeda King Power ka dhacday ee ay 3-1 kaga adkaatay kooxda Everton

 

Kooxda Leicester City ayaa la gudoonsiiyay koobka horyaalka Ingiriiska, ka dib markii ay dhammaatay ciyaartii garoonkeeda King Power ka dhacday ee ay 3-1 kaga adkaatay kooxda Everton.

Waa koobkii ugu horreeyay ee noocan ah oo ay Leicester qaado 132 sano ee ay kooxdaasi jirtay.

Sanadkii hore xilligan oo kale, kooxdan ayaa u dagaallameysay sidii ay uga sii mid ahaan lahayd kooxaha ku haraya horyaalka, waxaana guusheeda horyaalka ay noqotay mid ka yaabisay taageerayaasha kubadda cagta.

“Waxa ay ahayd arrin la yaab leh. Waxaan isku dayay inaan is adkeeyo oo aan la iga dareemin qiiro, maadaama ay maalin weyn noo tahay.” ayuu yiri Claudio Ranieri, tababaraha kooxda Leicester.

Taageerayaasha kooxda ayaa qiireysnaa, waxaana ay siteen boorar ay ku ammaanayaan kooxda, tababaraheeda, waxaana ka mid ahaa mid ay ku qoreen “billad aan muteysanay, balse aan iibsan.”

Leicester City ayaa xilli ciyaareedka soo socda ka qeyb geli doonta horyaalka Yurub ee loo yaqaano Champions League-ga.

Daawo: Dawladda Waqooyiga kuuriya oo xukun adag ku riday Arday maraykan ah

Arday u dhashay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Otto Warmbier ayaa waxaa maanta la soo taagay Maxkamadda Sare ee dalka Kuuriyada Waqooyi kadib markii lagu soo oogay Dembi la xiriira siyaasad caddowtooyadda leh ee ay dadka Maraykanka u hayaan Midnimadda dalka Waqooyiga Kuurya, inkastoo aysan jirin caddaymo muujinaya inuu Eedeysanaha xiriir la leeyahay dowladda Maraykanka.

Dhegeysiga dacwadda oo socotay muddo hal saac ah ayaa waxaa lagu xukumay Xabsi gaaraya 15 sanno iyo shaqo culus.

Daawo Xasan Xanafi Xaaji oo dil toogasho lagu xukumay ka dib markii lagu helay dambi ah in uu wax ka qaarajiyay wariyeyaal fara badan, ayaa ninkaan oo xubin ka ahaa ururka Al Shabaab waxa uu Maxkamada horteeda ka sheegay in uu ku qanacsan yahay dilkaas toogashada ah ee lagu xukumay .

Xasan Xanafi Xaaji oo dil toogasho lagu xukumay ka dib markii lagu helay dambi ah in uu wax ka qaarajiyay wariyeyaal fara badan, ayaa ninkaan oo xubin ka ahaa ururka Al Shabaab waXasan Xanafi Xaaji oo dil toogasho lagu xukumay ka dib markii lagu helay dambi ah in uu wax ka qaarajiyay wariyeyaal fara badan, ayaa ninkaan oo xubin ka ahaa ururka Al Shabaab waxa uu Maxkamada horteeda ka sheegay in uu ku qanacsan yahay dilkaas toogashada ah ee lagu xukumay .

Muuqaal ay soo saartay Kooxda Daacish ayaa lagu soo bandhigay wajiyada ragii ka dambeeyay weerarkii sanadkii hore ka dhacay magaalada Paris ee lagu dilay in ka badan 130-qof oo badankood ay u dhasheen dalka Faransiisa.

dagaal yahanoMuuqaal ay soo saartay Kooxda Daacish ayaa lagu soo bandhigay wajiyada ragii ka dambeeyay weerarkii sanadkii hore ka dhacay magaalada Paris ee lagu dilay in ka badan 130-qof oo badankood ay u dhasheen dalka Faransiisa.

Kooxda Daacish Muuqaalka ay soo saartay ayaa waxaa kasoo dhax muuqanaya sagaal nin oo ahaa ragii fuliyay weeraradii kala duwanaa ee ka dhacay Magaalada Paris, ragan ayaana badankood heestay dhalashada wadamada Biljamka iyo Faransiiska.

Muuqaalkan oo la duubay kahor inta uusan weerarku dhicin ayaa ragan waxa ay ku hanjabayeen in ay weeraro ka geesanayaan dalalka ay kasoo jeedaan, waxaana sidoo kale ragan muuqaalka kasoo muuqdeen iyaga oo sameenaya falal argagax leh sida iyaga oo dad gowracaya.

Ragan muuqaalka kasoo muuqday ayaa dhamaantood lagu dilay intii uu socday weeraradii ka dhacay Magaalada Paris, waxaana baxsad ku jira mid kamid ah ragii ku lugta lahaa Weerarkii Paris kaa oo lagu magacaabo Salah Abdeslam.








Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusa Marreeb ee Gobolka galgaduud ayaa sheegaya Kooxo hubeysnaa ay halkaasi ka

alshabaabWararka ka imaanaya Magaalada Dhuusa Marreeb ee Gobolka galgaduud ayaa sheegaya Kooxo hubeysnaa ay halkaasi ka afduubteen gaari nooca gargaarka ee loo yaqaan Ambalaasta.

Afduubka ayaa loo badinayaa inay geysteen Kooxo taabacsan Alshabaab kuwaasi oo markii hore joojiyay gaariga kadibna uu ka xeeyay mid Kooxdaasi hubeysnaa kamid ahaa.

Gaariga Ambalaasta ayaa la sheegayaa in loogu adeegi jiray dadka deegaanka ee la soo darisa xanuunka degdega ah, waxa uuna hadda gaarigaasi u gacan galay Kooxdaasi.

Afduubka gaariga ayaa imaaday kadib markii la soo wacay Isbitaalka magaalada laguna wargaliyay in si dhaqsi ah uu kusoo gaaro si loo qaado bukaan aad u il daran, hayeeshee goortii uu halkaasi gaaray ay Kooxda la wareegen gaariga, waxa uuna afduubka ka dhacay deegaanka Ceel Cali Mire.

Ragga adfuubka geysay ayaa ku hubeysnaa Seddex qoray ilaa laba Bastoolad waxa ayna halkaasi ka ka xeysteen gaarigii loogu adeegaayay dadka deegaanka.

Ma jirto wax xiriir ah oo lala soo sameeyay shaqsiyaadkii maamulaayay gaarigaasi waxaana socda baaritaano lagu raadinaayo gaariga.

Qafaalkaani ayaa noqonaaya mid ku cusub dadka deegaanka iyo guud ahaanba Somalia, waxa uuna gaarigaasi Ambalaasta ah noqonayaa kii ugu horeeyay oo ay qafaashan Alshabaab.

Madaxweynaha dalka Gambia Yahya Jammeh, ayaa sheegay in dalkiisu noqon doono, Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Gambia,

madaweynaha GanbiyaMadaxweynaha dalka Gambia Yahya Jammeh, ayaa sheegay in dalkiisu noqon doono, Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Gambia, waxaanu xusay in sababta uu (Islamic Republic) dalka ugu bixiyay tahay, in raadadkii iyo magacyadii uu gumaysigu bixiyay la tirtiro.

 

Dalka Gambia oo ku yaala galbeedka qaarada Afrika ayaa boqolkiiba shan iyo sagaashan dadka ku dhaqan yihiin, Muslimiin, waxaanu madaxweynaha dalkaas Yahya Jammeh, oo dalkaas afgambi milatari ku qabsaday, sanadkii 1994-kii, uu tilmaamay in is badalkan cusub ee uu ku sameeyay dalkiisu, tix gelin siinayo kiristaanka tiradda yar ee dalkaas, waxa kale oo uu tilmaamay in cadaadis aan la saari doonin haweenka.

SIDEE AYAAD U GUULAYSAN KARTAA . By: Mustafe Saleban Muxumed (Mustafe Burcaawi)

Waa maqaal gaaban oo ku tusaya guusha hortaada taala:

Furayaasha guusha waxa kamida ah kalsoonida, furayaasha kalsoonidana waxaa kamida, u diyaargarawga,

iyo u diyaarinta naftaada in aad u diyaariso guulaha kugusoo wajahan.

Markaad gaadho yoolkaaga ha u dabaal dagin guushaadda,

Maxaa yeelay waxaad kasoo baxday hawshaadii kuutaalay.

Waxaad Leedahay Doorasho Kuwajahan Naftaada

Hadaad doorato inaad guuleysato Go aansato hadafkaaga

Oo aad balan qaadid inaad dantaada raacdo waxkasta waa suura gal.

Sabab too ah ilaahay ayaa kula jira ,

Tuko salad kasta waqtigeeda, filo mustaqbal wanaagsan

Waxaad ogaataa inay gudahaaga ku jirto karti wali dihan oo ay tahay inaad ka faa idaysato.

Waxaad leedahay qiimo aan xadidnayn, riyadaadu way kuu rumoobikartaa

Waad gaadhi kartaa wax kasta oo aad dadaal iyo dulqaad umuujiso.

Hadaba hadaad rabto inaad guulaysato, Ama aad dhaafto khayrkaa,

Ku dhaqan qodobadan waliba si cilmiyaysan.

  1. Wax baro halka kuwa kale ay wahsanayaan.
  2. Tuko inta ay hurdaan.
  3. Xushmee dadka halka ay xanta wadaan
  4. Qorshe samayso halka ay kuwa kale qayilayaan.
  5. Is diyaari inta ay kuwa kale dib isu dhigayaan.
  6. Caawi dadka inta ay cay iyo gef ku danseegayaan.
  7. Dhoola cadee halka ay kuwo kale dudsanyihiin.
  8. Bilaw inta ay iska raaxaysanayaan. (nasanayaan).
  9. Dhagayso halka ay kuwa kale doodayaan.
  10. Hore u soco inta uu caajisku kujiro kuwa kale
  11. Kabilaw halka aad joogto, isticmaal waxa aad haysato.
  12. Same waxaa aad u aragto in ay awoodaadu tahay.
  13. Dadka hoos wax ugusheeg (unaseexee)
  14. Dadaka meel shaarica wax ha ugu sheegin (ha ku fadeexadayn)

Sidaa darteed, dooro inaad, waynayso aragtidaada, kordhiso kalsoonidaada,

Soona jiidato wanaaga hareerahaaga yaala, kafaaidayso fursadaha faa iidada leh ee kusoo mara.

Hore u tallaabsato maalin kasta, Isu diyaari guushaada

Aamin naftaada, samayso qorshe waxqabad, oo suaal wixii aanad garanayn dadka.

Kafogow wixii xumaan iyo negative ah, waqtigaagana haku lumin kuwa nacaynbku kabuuxo.

Joogtee inaad samayso wanaag iyo wixii khayr u leh umadda, iyo naftaadaba.

Nolosha aduunyo way gaabantahay, ha ilaabin inaad go’aansato hadafkaaga iyo waxaad rabto,

Kuna dhaqaado himiladaad wixii intaa kazoo hadhana aad iska dhaafto.

Intaa hadaad samayso guushu gacmahaaga ayay ku jirtaa.

By: Mustafe Saleban Muxumed (Mustafe Burcaawi)

Msaleebaan01@hotmail.com

Address: 00252634036944/00252659304841

mustafe