Category Archives: Wararka maanta

Halkan Ka Daawo:Banaanbax Balaadhan Oo Lagu Taageraayo Jawaabti Ay Waxgaradka Iyo Odayaasha Qorilugud Ka Bixiyeen Baaqi kaso Yeedhay Reer Buuhodle Ee Ku Taxaluuqey In Aaaney Nabadi Ka Dhalaneyn Deeganadii Lagu Dagaalamey Oo Maanta Gilgiley Deegaanka Wadaama Goo.

Halkan Ka Daawo:Banaanbax Balaadhan Oo Lagu Taageraayo Jawaabti Ay Waxgaradka Iyo Odayaasha Qorilugud Ka Bixiyeen Baaqi kaso Yeedhay Reer Buuhodle Ee Ku Taxaluuqey In Aaaney Nabadi Ka Dhalaneyn Deeganadii Lagu Dagaalamey Oo Maanta Gilgiley Deegaanka Wadaama Goo.

sacad ahmed faransa
magudhenews.com

Madaxweyne Siilaanyo Oo Qalinka Ku Duugay Amarka 4Qof Oo Lagu Fulinaayo Qisaas Iyo Cida Ay Yihiin

Madaxweyne Siilaanyo oo qalinka ku duugay amarka 4 qof oo lagu fulinaayo qisaas iyo cida ay yihiin
Madaxweynaha Somaliland, ayaa la sheegay inuu saaka saxeexay fulinta warqadii dilka ahayd ee gaan ku dhiiglihii dilay alla ha u naxariistee marxuum Ganacsade Xuseen Gacmadheere.
ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Madaxweynaha, balse sida ay shebekadda Batalaalenews.com u xaqiijiyeen qaar ka mid ah madaxdhaqameedka bargiga Hargeysa, Madaxweynaha ayaa waxa uu saxeexay dilka 4 nin oo uu ka mid ayahy ninkii marxuumkaasi dilay.
Madaxweyne siilaanyo ayaa mudooyinkii u danbeeyey cadaadis xoogan waxa uu kaga imanayey odayaal dhaqmeedka iyo bulshada somaliland kaasi oo ku wajahan inuu saxeexo fulinta dadka dilalka ugu xidhan xabsiyada hargeysa,

sacad ahmed faransa
magudhenews.com

Daawo: Jamaal Cali Xuseen Oo Duray Khudbad Sanadeedkii Madaxweynaha Somaliland,Kana Hadlay Dib-u-dhaca Doorashooyinka Iyo Umuuro Kale

Musharaxa Jagada Madaxtinimo Ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID,Md.Jamaal Cali Xuseen,ayaa ka hadlay Hanaankii loo soo diyaariyay iyo qodobaday taabaynaysay khudbadii Madaxweynaha JSL,ka horjeediyay Maalintii Sabtida labada Gole Qaran ee Wakiilada iyo Guurtida.waxa kale oo sheegay inay Xukuumadu isku koobtay Guulaha ay Jaalidaha reer Somaliland ee dibaduha kasoo hooyeen ka midho-dhalinta qadiayada Madax-banaanida Somaliland.

j

sacad ahmed faransa
magudhenews.com

Mabxuus Habeenkii Xalay Ku Geeriyooday Xabsiga Dhexe Ee Hargeysa.

Sida warar xogogaal ah oo aanu helay ay tibaaxayaan geerida Maxbuus lagu magacaabi jiray Ibraahim Ismaaciil Gahayr oo xalay saqdii dhexe ku geeriyooday xabsiga Dhexe ee Magalada Hargeysa,
waxanay wararku sheegayaan in uu u dhintay xanuunka Joonis-cadka oo hayey isla markaana mudadii uu ku xanuun sanaayay Xabsiga aan cidi daryeel caafimaad u fidin.

Maxbuuskan oo ka tirsanaa ciidanka Booliiska Somaliland ayaa ku xukunaa afar sano oo xadhig ah waxana la sheegay in uu maalmahanba la il-darnaa xanuunka Joonis-cadka, kaasoo ay ciidanka Xabsigu ka dhago adaygeen inay gargaar u fidiyaan markii uu cabasho la xidhiidha xanuunkiisa u gudbiyey madaxda qaybta uu ku xidhnaa.
Maxbuuskan oo ku jiray Qaybta-5 ee qaybta hoose ee xabsiga ayaa saaka loo qaaday Cisbitaalka guud ee Hargeysa si loogu baadho sababta dhimashadiisa ka danbaysay.

sacad ahmed faransa
magudhenews.com